Animation

XOG DEG DEG AH: RW Kheyre oo ka guuleystay Xildhibaanadii Mooshinka Waday & Kulamo dhacay

no responses
Monday July 10, 2017 - 6:06 under Breaking News by nairobi
mqdefault
Spread the love

Ra’isul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo aan caadi aheyn la qaadanayay qaar kamid ah xildhibaanadda barlamaanka Soomaaliya.

Kulamadan ayaa si gaar gaar ah uga dhacay xafiiska RW Kheyre iyo qaar kamid ah hoteeladda magaaladda Muqdisho, waxaana looga hadlay mooshinka laga keenayo xukumadda Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa taageero ka raadinaya xildhibaanada mooshinka wada si uu ugu qanciyo iney ka tanaasulaan mooshinkooda.

Olalaha RW Kheyre waxaa sidoo kale garab ka qaadanaya qaar kamid ah xildhibaanada ku jira golaha wasiirada kuwaas oo sidoo kale lagu arkay hoteeladda Muqdisho.

Ilaa haatan RW Kheyre ayaa lasoo sheegayaa inuu helay kalsoonida xildhibaanadii ugu badnaa, taas oo kala jabisay mudanayaasha Barlamaanka ee mooshinka waday.

 

 

Facebook Comments