Animation

XOG DEG DEG AH: Madaxda DFS & Maamul Goboleedyada oo Isfahmi Waayay & Qodobada La isku haysto (Akkhri)

no responses
Monday July 10, 2017 - 6:31 under Arimaha Bulshada by nairobi
mqdefault

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo hogaamiyaasha Federaalka ayaa weli kulamo xasaasi ah ku qaadanaya madaxtooyadda Muqdisho.

Kulamadan oo qaatay maalmo badan ayaa looga hadlayaa arimo xasaasi ah oo ay ugu horeysay meel marinta heshiisyadii dhanka ciidamada laga gaaray xili hore.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in khilaaf uu ka jiro qodobada ugu waa weyn ee madaxda dowladda iyo kuwa Federaalka ay ka wada hadlayaan.

Qodobada La isku hayo waxaa kamid ah

1-  In Dhisidda Ciidamada qaran loo madax baneeyo dowladda Soomaaliya.

2- In Doorka maamuladda Federaalka uu noqdo talo bixin

3- Halka lagu tababarayo ciidamada qaranka oo wali aan xal laga gaarin.

4- Maamulidda dhaqaalaha ciidamada oo muran uu ka taagan yahay kadib khilaafkii Carabta.

5- Maamuladda oo doonaya in ciidamo usoo diraan Muqdisho si caasimadda loogu sinaado & maamulo diidan.

Waxaa jira qodobo kale oo muhiim ah oo ay ka wada hadlayaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa federaalka Soomaaliya.

Qodobadaas waxaa kamid ah Go’aankii ay dowladda dhexe ka qaadatay Khilaafka Carabta oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Maamulada ugu badan ayaa qaba in dowladdu ku deg degtay go’aankii ay Qatar ku taageertay dowladda Soomaaliya, taas oo uusan wax jawaab ah u hayn madaxweyne Farmaajo.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maamuladda Koofur Galbeed iyo P/Land ay si weyn uga careysan yihiin go’aana dowladda.

Sidoo kale, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa doonaya in dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ku lahaato arrimaha canshuurraha maamulka Federaalka, laakiin maamuladda ayaa weli diidan.

Si kastaba, Shirka ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo manta gelinka dambe iyadoo qodobada qaar dib loo dhigay in go’aan laga gaaro.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah