Breaking News Somali News Top News

XOG DEG DEG AH: Kismaayo24 oo Goordhaw Heshay Xiliga lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada Hirshabeelle

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare ayaa la filaya in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golahiisa wasiirada.

Madaxweynaha oo muddooyinkaan dambe wada tashiyo la sameynaayay waxgaradka xildhibaanada iyo beelaha dega hirshabeelle ayaa hadda waxaa uu soo dhameeyay liiska wasiiradiisa goordhaw ayaana jowhar looga dhawaaqi doona sida aan xog ku helay.

Wasiirada uu madaxweyne waare soo magacaabi doono waxa ay u badantahay in aan lagu dhex arki doonin xildhibaano maamulka ka tirsan maadama madaxweynaha uu horay xildhibanada ugu sheegay in uu doonaayo in golahiisa wasiirada aysan ka dhex muuqan xildhibaanno.

Xildhibaanada oo inbadan kasoo horjeeday mowqfika madaxweyne waare ayaa markii dambe aqbalay in wasiirada aan lagu soo darin xildhibaano.

Lama oga in uu is bedel ku imaan doono liiska golaha wasiirada hirshabeelle ee madaxweyne waare uu diyaariyay ka hor inta aan warbaahinta loo soo bandhigin.

Related posts

Top News: Puntland oo la isku heysto cidii noqon laheyd ku simaha Madaxweynaha.

admin

Dhagayso:- Kooxo Hubaysan oo wiil Dhalinyaro ah ku Dilay Degmadda Afgooye

admin

TOP NEWS: Tirada Askarta UN-ka uga Dhimatay Qaraxyadii lagu qaaday Xarunta Xalane oo sii Caga cageyneysaa ku dhawaad……

Tifaftiraha K24