Animation

XOG: Damul-jadiid oo Qorsha Halis ah La Damacsan Safaarada Imaaraadka Carabta ee Muqdisho

one response
Wednesday November 23, 2016 - 5:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar Hoose oo aan ka helnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayan in Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud uu kullan aan caadi aheyn la qaatay Siyaasiyiinta ugu firfircoon ee Damul-Jadiid.

Kullanka Xassan Sheekh iyo Siyaasiyiinta dhexmaray ayaa la sheegay inuu salka ku hayay go’aan ka gaarista faragalinta ay waddo dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xassan ayaa fekero kala duwan ka dhageystay Siyaasiyiinta si mowqif adag looga gaaro faragalintaasi.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta qeybta ka aheyd kullanka kana howlgala Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in inta badan Siyaasiyiinta ay soo jeediyeen laba aragti oo kala duwan.

Aragtida koowaad oo ay soo jeediyeen Siyaasiyiinta qaar ayaa ah in Safaarada Imaaraadka carabta ee magaalada Muqdisho Albaada loo laabo isla markaana la eryo Safiirka Somalia u fadhiya.

Aragtida labaad ee Siyaasiyiinta ayaa aheyd in Safiirka Somalia u fadhiya Imaaraadka lagu amro inuu kusoo laabto dalka, si Imaaraadkuna uu ula baxo Safiirkood iyadoo aan Siyaasada la xumeyn.

Madaxweyne Xassan ayaa qaadacay labada aragti waxa uuna cod dheer ku sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan dooneynin inuu xumeeyo xiriirka labada dal.

Xassan waxa uu sheegay inaanu ka qarsooneyn heerka ay mareyso faragalinta, balse uu doonaayo in Imaaraadka laga reebo faragalinta iyadoo lala dheelaayo Siyaasad ka duwan tan iminka taagan.

Xassan Sheekh ayaa qaati ka taagan qaabka ay dowlada Imaaraadka u faragalineyso Siyaasada Somalia.

 
Ma jiraan wax natiijo ah oo kasoo baxay kullanka ka dhacay Xafiiska Madaxweyne Xassan ee Villa Somalia.