Animation

XOG: Damul-jadiid oo kulamo qarsoodi ah ka bilaabay Muqdisho & Xasan sh, oo Malaayiin Dollar bixinaya…

no responses
Sunday September 18, 2016 - 10:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay inoo Xaqiijiyeen xubno ka tirsan gudiga doorashada dadban ee heer Federaal Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh ayaa bilaabay qorshe uu ku bixinayo malaayiin dollar si uu markale ku noqdo M/weynaha dalka afarta Sano ee soo aadan.

Sida aan xogta ku helnay waxaa socda kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeya xubno ka tirsan gudiga doorashada iyo wakiilo matalaya Xasan sheekh uu ugu horeyo faarax C/qaadir waxaana xogta sidoo kale ay sheegeysa lacagta miiska saaran ee lagu bixinayo sidii xasan sheekh dib loogu soo dooran lahaa ay gaareyso ilaa laba milyan iyo ka badan.

Guddigan ayuu Xasan ka doonayaa inuu is daba marin ku sameeyo howlaha doorashada si isaga mar kale uu xilka madaxweyne nimo ugu soo laabto, taas oo dad badan horay uga digeen.

Weli Lacagta 2-da Milyan ah Xasan Sheekh gacantiisa kama aanay bixin, balse waxay ballanta noqon doontaa in 1 Milyan la hormariyo kadibna 1 milyan uu bixiyo doorashada kadib.