Animation

XOG CULUS:Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo loo wado in uu Madaxweyne ka noqdo Maamulka………………………..(Tolow Waa Kee???)

no responses
Saturday September 17, 2016 - 11:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay ilo katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in uu socdo Qorshe lagu diyaarinayo ninka Madaxweynaha ka noqonaya maamulka loo dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u wada in uu Madaxweyne ka noq Maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan aadna ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa wal isocda qorshaha lagu dar dar galinayo Shirka ka furmay magaalada Jowhar, waxaana la filayaa marka la dhiso Xildhibaanada in uu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa Wasiirka Amniga uuna xilka uu hada hayo iska casilo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku xisaabtamaya xubnaha labada Aqal ee ka imaanaya gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna Madaxaweynaha Soomaaliya la doonayaa in maamulkan Hogaanka u qabto shaqsi uu ku kalsoon yahay.

Sida aan Wararka ku helnay Beesha Xawaadle ayaa lagu qancinayaa in Madaxweyne ka noqoto maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxaana taa dhinac socda in magaalo Madaxda Maamulka la dhisayo Hiiraan laga soo wareejiyo lana siiyo Shabeelaha Dhaxe.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu guuleesatay in Maamulka Galmudug Madaxweyne uga dhigto Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaa lasoo gudboonaatay caqabado badan, waxaana hada socda qorshe lagu dar dar galinayo shirkaasi si loo doorto Madaxweyne kahor inta aan Madaxweyne Xasan Sheekh Xafiiska ka tagin lana dooran labada aqal ee Dowlada.