Somali News Top News

XOG CULUS: k24 oo Xog Hoose ku ogaatay in Xilka laga qaadi doono Taliyaha Hey’adda NISA General Tuurayre+ Shaqsi Magac leh oo laga yaabo in lagu bedelo

Warar Hoose oo K24 ay ka heleyso Madaxtooyada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu isbadal ku Sameyn doono Hogaanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugiida Qaranka General C/Raxmaan Tuuryare.

Xasan Shiikh ayaa lagu wadaa Maalmaha Soo socda in uu Xilka ka qaado general Tuuryare iyadoona la filaayo in lagu badalo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Mudanaysha Baarlamanka ka tirsan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayan in General Tuuryare loo badali doono in uu Noqdo Hogaanka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowlada federaalka oo hada uu Madax ka yahay General Gaafow.

General Gaafow oo ay isku beel yihiin Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa waxaa laga yaaba in Madaxweynaha uu xil kale u Magacaabo iyadoon aan la helin Jagada loo dhiibo Doono Gaafow oo Laanta Socdaalka laga Xayuubin doono.

k24 ayaa sidoo  kale heshay xog ku saabsan in Kulamo gaar gaar ah ay ka socdaan Villa Soomaliya waxaana macquul ah in isla Caawa uu madaxweynaha ku dhawaaqo Is badalkaan lagu Sameyn Doono HOgaanka NISA iyo Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha waloow ay dhici karto in dib u dhac uu ku yimaado .

Kismaayo24 ayaa isku dayday in ay la xiriirto Xubnaha qaar ee Isbadalka lagu sameyn doono iyo kuwa la magacaabi doono waloow aysan inoo suurta galin in aynu helno Maadama Mashquul badan uu jiro .

la Soco Xogta arimahaasi kusoo kororta Insha Allah

Related posts

DEG DEG: Sarkaal Ajnabi Alshabaab ah oo Nolosha lagu qabtay iyo kuwa kaloo la dilay

admin

DEG DEG: Amisom iyo Ciidamada Dowlada oo Maanta la wareegay Dagmo Muhiim ah oo Alshabaab Mudo bil ah ay ku sugnaaye

admin

Muxu ku soo dhamaday Shirki Saka ila caawa ka socday Kismaayo

admin