Animation

XOG CULUS: Dowlada Mareykanka oo Ka Walaacsan Weerarkii Droneskeeda ay la beegsadeen Ciidanka Galmudug iyo Xiriirka Puntland iyo Mareykanka oo Mugdi galay

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 3:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

U.S. Army General David Rodriguez, U.S. Africa Command commander, host an East Africa Joint Interagency, Intergovernmental, and Multinational conference at Camp Lemonnier, Djibouti, April 14, 2015.  The event was a forum for regional U.S. Embassy and East African partner nation representatives to gain greater insight into each other’s goals and objectives within the East Africa region. The event also provided an opportunity for Rodriguez to introduce his new Combined Joint Task Force-Horn of Africa Commander, U.S. Army Maj. Gen. Mark Stammer, to the regional U.S. Embassy and East African partner nation representatives. (U.S. Air Force photo by Staff Sgt. Kevin Iinuma)

Kadib Weerarkii dhanka cirka ahaa ee Diyaaraha Mareykanka ay ka geesteen Deegaano ka tirsan Galbeedka Magaalada Galkacyo Duqeyntaasi oo ay la beegsadeen Ciidan Galmudug ka tirsan ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Mareykanka uu aad uga walaacsanahay Duqeyntaasi sida qaldan ay u fuliyeen Diyaaradaheeda Droneska.

Xog Hoose oo k24 ay heshay ayaa Muujinaya in Taliska Mareykanka ee Geeska Afrika Saraakiisha ku sugan ay Kulan Deg Deg ah ka yeesheen Duqeynta ay diyaaradaha Droneska si qaldan uga fuliyeen Gobolka Mudug duqeyntaasi oo lala beegsaday Ciidanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Saraakiisha Mareykanka ayaa la sheegay in ay aad uga walaacsanyihiin Xog qaldan oo ay usoo gud biyeen Saraakiisha Nabad sugida Puntland taasi oo ku aadaneyd in ay Jiraan Ciidan Alshabaab ah oo isku Uruursanaya qeybo ka mid ah Galkacyo barigeeda Taasina ay Saraakiisha Mareykanka ka dalbadeen in ay ka hortagto weerar Argagaxiso ah oo Kooxdaasi ay Puntland ka geesteen Balse Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka oo Xogtooda ay aad u liidatay Mudooyinkii dambe ayaa Rumeystay Xogta ay soo gudbiyeen Saraakiisha Puntland sidaasina ay Diyaaradaha Droneska ay duqeyn u geesteen Xeryo ay ku suganyihiin Ciidan ka tirsan Galmudug.

Taliska Mareykanka ee Geeska Afrika ayaa hadda dib ugu laabanaya macluumaadkii xalay ay soo gudbiyeen saraakiisha Puntland ee ahayd in rag ka tirsan Al-shababa isku abaabulayaan bariga gobolka Mudug.

Macluumaadkaasi oo aha Mid Qaldan oo dano gaar ah ay Puntland u adeegsatay ayaa waxa uu sababay in ay ku dhintaan Weerar dhanka Cirka ah oo Mareykanka uu fuliyay ku dhawaad 14 Askari oo ciidanka Galmudug ka tirsan halka Tiro intaa ka badana ay dhaawacmeen.

Xog kaloo Dheeraad ah oo k24 ay heshay ayaa Muujinaya in Saraakiisha PSF ee Puntland si deg deg ah looga yeeray Taliska Mareykanka uu ku leeyahay Boosaaso iyadoona lagu Canaanan doono Macluumaadka Qaldan ee Saraakiishooda ay u gudbiyeen Ciidanka Mareykanka sidaasina uu ku dhacay Howlgal Qalad weyn ahaa oo Bartilmaameed qaldan loo diray.

Maamulka Puntalnd oo Xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeyso Galmudug ayaa waxa uu ka faaiideystay Muqaabarad qaldan oo ay u gudbiyeen Saraakiisha Mareykanka taasi oo duqeynta Fududeysan waxaana Weerarkaasi uu Mareykanka ku Noqday Mid Dhuun qabad ah Maadama uu Faragaliyay Dagaal beeledka iyo xiisada ka taagan Mudug waxaana Dadka siyaasada Falanqeeya ay Weerarkaasi ku tilmaamen mid Dhabar jab xoogan ku keeni kara Xiriirka Mareykanka uu la leeyahay Saraakiisha Puntland ayna dhici karto in Mareykanka uu kalsoonida dhanka Muqaabaraadka ah uu kala Laabto Saraakiisha Nabad Sugida Maamulka Puntland Maadama ay Meel Haadaan ah ka rideen Sirdoonka Mareykanka oo Weerar qaldan ka geestay Mudug.

Dhinaca kale Magaalda Galkacyo waxaa laga soo sheegaya in ay Dul heehaabayan Diyaarado Dagaal oo duuliye la’aan ah kuwaasi oo ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka waxaana Muuqata in ay qiimeyn ku sameynayan Weerarkii Xalay dhacay ee lala beegsaday Ciidan ka tirsan Galmudug.

FG: Xogtaan waxa ay gaar u tahay Kismaayo24 Ilaali Xuquuqdeeda Mahadsanid