Animation

XOG: C/kariin Guulleed oo go’doon siyaasadeed galiyay C/weli Gaas + Xogta Shirka Madasha qaran…

no responses
Sunday September 11, 2016 - 2:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Madasha Qaran ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa u muuqda in la isku mari waayay muddo 5 maalmood oo uu socday.

Shirka ayaa waxaa la xaqiijiyay in hogaamiyeyaasha maamulada iyo kuwa dowladda Federaalka ay isku mari waayeen arrinta Aqalka Sare, waxayna dhibaatadu ka dhalatay markii la isku dayay in Puntland lagu qanciyo inay soo celiso labadii xubniood loogu kordhiyay shirkii hore ee laga soo jaray Somaliland.

Arrintan oo uu hormuud ka ahaa madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa keentay inuu taageero uga helo madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan, Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo madaxweyne Xasan Sheekh taasoo keentay in C/weli Gaas si weyn uga caroodo.

C/kariin Guuleed ayaa mar kale go’doon siyaasadeed geliyay madaxweynaha Puntland oo hadda u muuqda nin keligiis taagan, waxayna tani salka ku heysaa iyadoo uu shirkii hore ee Madasha uu ka maqnaa Guuleed arrimo caafimaad awgeed, laakiin wuxuu ka hor yimid xubnaha loogu daray Puntland Taas bedelkeed waxaa Shariif Xasan talo ku soo jeediyay in la laalo Aqalka sare ee Baarlamaanka, mar haddii waqti dheer uu qaatay weliba lagu heshiin waayay, waxayna arirntii isu bedeshay is mari waa kale, laakiin waxaa Puntland lagu cadaadiyay inay ka tanaasusho xubnaha dheeraadka ah ee ka careysiiyay xubnaha Somaliland ugu jira dowladda Federaalka.

C/weli Gaas ayaa ugu danbeyn ka baxay shirkii xalay, isagoo aan ka soo xaadirin wuxuuna u oo diray farriin ah inaanu sii wadi karin ka qeybgalka shirka Madasha ee aan natiijada lahayn, taasoo keentay inuu bannaanka ka istaago shirka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isagu dhexdhexaad ahaa, isla markaana ugu deganaa madaxda maamulada dalka ee shirka Madasha ka qeyb gashay ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho isagoo ku laabtay Kismaayo, waxaana uu sheegay inuu ciidul fitriga ku qaadan doono Kismaayo, kadibna uu ku soo laaban doono Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa isna lagu wadaa inuu maanta ka dhoofo Muqdisho, isagoo dib ugu laabanayo Puntland, waxaana shirkii Madasha u muuqdaa in lagu kala tegay iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Waxaa la filayaa in dadaal kale loo galo shirka Madasha inuu Muqdisho ka bilowdo bartamaha bishan marka uu dhamaaado shirka IGAD, inkastoo xaalad adag oo cakiran uu dalku sii galayo isla markaana waqtigii doorasha 2016 uu ciriiri sii galay.