Somali News Top News

XOG: Ciidamo Ajaanib ah oo Weerar ka Fuliyay Deegaano ka tirsan Jubbada Hoose iyo Sarakiil Shabaab ah oo la kaxeystay

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in labo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen kadib dagaal xooggan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Beerxaani.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamo ajnabi ah oo wata diyaarado dagaal iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Sshabaab.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ciidamada watay diyaaradaha dagaalka, oo aan illaa iyo hadda la ogeyn dalka ay u dhasheen, ay kaxeysteen qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ka sokow, waxaa sidoo kale jiray duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ku qaadeen fariisamaha koxoda Al-Shabaab.

Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka shisheeyaha ayaa dhowaanahan kusii kordhayey deegaanada hoos taga gobolka Jubbada Hoose.

Related posts

AKHRISO:- Guddigii loo xilsaaray Khilaafka Golaha Shacabka oo war soo saaray

Ahmed sudani

Madaxweyme Xasan oo caawa ka farxiyay Saraakisha SNA iyo Amisom..

admin

Jubbaland iyo Dowlada Kenya oo heshiis wada saxiixday..

admin