Animation

XOG: B/Xawaadle oo la siinayo M/weynaha Cusub balse lagu xeray sharuudaan adag….

no responses
Monday September 19, 2016 - 8:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in wali uu halkaasi ka socdo shirar gooni gooni ah ay leeyihiin Beelaha Dega Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ee shirka maamul u sameynta u furmay.

Waxaa socda diyaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe yeelanayo, waxaana wali la isku hayaa qaabka ay beelaha u qeyb sanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo maamulkan la dhisayo.

Warar kale oon ka helnay Jowhar ayaa sheegaya in Waxgaradka Beesha Xawaadle Shirkaasi ku matalaya Beelaha kale ka codsadeen in la siiyo Madaxweynaha Maamulka Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhaxe.

Beesha Xawaadle ayaa kulan ay la yeelatay Beelaha Dega Gobolka Shabeelaha Dhaxe uga codsatay in la siiyo Madaxweynaha maamulka la dhisayo, waxaana Beelaha dega Sh.Dhaxe dhaxe ka aqbaleen codsiga beeshaasi iyagoona dhankooda hal shardi ku xiray.

Waxgaradka Shabeelaha Dhaxe ayaa Beesha Xawaadle ku xiray in beelaha kale ee Dega Degmada Buulo Burte ay kasoo dhaa dhiciso in Caasimada maamulka la dhisayo loo soo wareejiyo Gobolka Shabeelaha Dhaxe si iyagana ay u qaataan Madaxweynaha.

Qaar kamid ah Beelaha Dega Hiiraan gaar ahaan Degmada Buulo Burte ayaa aqblay in Sh.Dhaxe loo wareejiyo Caasimada gobolka Hiiraan ay qaadato Madaxweynaha, waxaana wali jira beelo kale oo iyana arintaasi saluugsan.

Arintan ayaan wali go’aan buuxa laga gaarin, waxaana wali socda wadahadalo xal looga gaarayo arintan ayna kaga heshiinayaan waxgaradka Beelaha Dega Hiirana iyo Shabeelaha Dhaxe ee shirku uga socdo magaalada Jowhar.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa wali diidan shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxaana Ururka IGAD iyo Dowlada Soomaaliya dooneysaa in beeshaasi lagu qanciyo in Madaxweyne ka noqdaan maamulkan

Wareegto kasoo baxday Madaxaweyaha Soomaaliya ayaa horey loogu cadeeyay in Caasimada maamulka Hiiraan iyo Sha.Dhaxe ay noqoneyso Buulo Burte, lamana oga sida uu ku hirgalayo qorshahan cusub ee lagu kala badalanayo Madaxweynaha iyo Caasimada maamulka la dhisayo.