Xog: Beelkamid ah beelaha kumidoobay Maamulka Galmudug oo qorshaynaysa inay iskaga baxdo.

0

Warar Hoose oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahey ayaa noo xaqiijiyey in Beelka mid ah Beelaha Hbargidir Gaar ahaan  beesha Saleebaan doonayaan in  ay gaar ka noqdaan iskagana baxaan Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Xogtaan ayaa sheegeysa in Reer Xaaji Saleebaan ay walwal ka muujiyeen midowga Galmudug iyo Ahlu-sunna una arkeen in beesha Cayr la siiyay ahmiyad gaar ah.

Dhanka kale Beeshu waxa ay sheegtay in aysan raaali ka noqon doonin in beel kaligeed la siiyo xaqqa dadka oo dhan, walibana ay soo huwato magaca Ahlu-sunna, iyadoo la ogyahay in awood qeybsiga Galmudugna kaalintooda ku leeyihiin.