XOG: Axmed Madoobe Iyo Cabdikariim Guuleed b oo Isku aragtiv noqday Iyo Gaas Iyo Shariifka oo uu waagu ku Baryay. “Warbixin”

0

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa wali ka soconaya shirka madasha wadatashiga ee uu halkaasi ka furay Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka oo ah mid aa loogu kala aragti duwan yahay Ayaa hadane waxaa muuqaneysa siyaasiyiin awal Isku mowqif ahaa in ay kala furanayaan kuwo aanan Isku jaal horay u aheyne ay hadda Isku soo dhawaanayaan.

Madaxweynaha Jubaland oo horay culafo ula ahaa Madaxweynaha Puntland Ayaa aragtidiisa badalay,iyadoo uu qaatay mowqif kaduwan midkiiuu horay u qabay.

Axmed Madoobe Ayaa gabi ahaanba ka tanaasulay fikirkiisii ahaa in Degmo wax lagu soo xulo wuxuuna aaminay in Aysan suuragal aheyn Degmo wax Kusoo xulida,iyadoo walaac iyo kalinimo ay iminka soo wajahday Mudane Cabdiwali Gaas.

Dhiniciisa Madaxweynaha galmudug cabdiakriim Guuleed Ayaa ka xarig furtey Shariif Xasan Sheekh aadan oo ay horay Isku aragti ka ahaayeen barnaamijka hiigsiga 2016 ka waxaaa hada Isku jaal ah Guuleed Iyo Madoobe.

Shariifka Iyo Gaas oo aan Isku aragti ka ahaayeen. Ayaa hada u muuqda kuwo Aysan is hureyn xulafo noqoshadooda Tiiyoo ay dheertahay ineysan Isku Jiho wax u wadin.

Siyaasadda Soomaaliya oo isgadiskeedu badan yahay Ayaa hadda waxaa muuqata in majaraha ay iminka hayaan guuleedka galmudug Iyo madoobaha Jubaland.