Animation

XOG: Amisom oo bahdishay dowlada Soomaaliya hadana laashay go aan DF kasoo saartay…

no responses
Thursday September 22, 2016 - 11:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada nabad ilaalinta ee AMisom ee kusugan garoonka magaalada muqdisho ayaa shaaciyay in ana celin doonin wariyaasha soomaaliyeed ee halkaasi wararka kasoo tabin doona.

Mid kamid ah saraakiisha garoonka ka howl gasha kana socda dalka Ugandha aya sheegay in aan laga hor istaagi karin wariyaasha howl maalmoodkooda waxaana oo sheegay in wariyaasha garoonka u imanayaan tabinta arimaha doorashada la xariirta iyo musharixiinta kasoo horjeydo Xasan Sheekh.

Waxay tilmaameen in wariyeyaal aysan ka celin doonin Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waliba wariyeyaasha lagu qaadi doono gaadiidka qafilan ee AMISOM lana geyn doono dhabaha diyaaradda kasoo degto.

Sido kale Dowladda Uganda ayaa xalay lasoo hadashay ciidankeeda una sheegtay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo sameeyo wax walbo oo uu doonayo, islamarkaana amnigiisa ay aad u adkeeyaan.

Ugu danbeyntii nabad sugidda ayaa laga yaabaa iney hor istaagto Wariyeyaasha balse waxaa la arki doonaa go’aanka ay qaataan ciidanka AMISOM ee halkaasi ku sugan gaar ahaan kuwa Uganda.