Somali News

xisbiga Waddani oo shaaciyey in Maamulka Somaliland burbur ku yimid.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si adag uga horyimid doorashadii shalay ay xubnaha komishanka Somaliland ay guddoomiye cusub ugu doorteen Cabdirashiid Riyo Raac.

Waddani oo hore uga horyimid Riyo Raac in uu ka mid noqdo komishanka, ayaa hadda doorashadiisa u arka mid sii dabar goynaysa Dimuquraadiyada iyo jiritaanka Somaliland.

Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaranimada Somaliland ay ku jirto khatar, isla markaana ay dadka iyo dalkuba u baahanyahay badbaado.

Barkhad Batuun ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in muranka komishanka ka taagan ay arrintu ka weyntahay, isagoona xisbiga Kulmiye ku eedeyay inuu god madow ku sii riday jiritaanka Somaliland, isla markaana uu burburkeeda ku howlan yahay.

Related posts

TOP NEWS: Dooni ay la socdeen Tahriibayaal badan oo Soomaali ay ku jiraan ayaa lagu la’yahay biyaha u dhaxeeya Masar iyo Talyaaniga.

admin

DAAWO: Muuqaal aan ka helnay Weerarkii Hotel Dayax, Wararkii ugu danbeeyay & Meydad laamiyada daadsan.

admin

Dr Augustine Mahiga oo ka hadlay Arimaha Somalia

admin