Xisbiga haya Talada Itoobiya oo Guddoomiye u Doortay Nin u Dhashay Oromada

0

Isbahaysiga maamulka dalka Itoobiya ayaa guddoomiye u doortay Abiy Axmed oo ah Nin u dhashay Qowmiyadda Oramada ee dalka Itoobiya.

Axmed waxaa uu noqon doonaa Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya,waxaana uu beddeli doonaa Hailemariam Desalegn ,kaas oo 15kii February ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka ra’isalwasaaraha iyo kan guddoomiyaha isbaheysiga maamula Itoobiya.

Ninkan Oromada ka soo jeeda waxaa la filayaa in uu dejiyo kacdoonka Oromada Itoobiya oo saddexdii sano ee la soo dhaafay dalka Itoobiya geliyay qal qal dhinaca amniga ah.

Labo jeer ayey dowladda Itoobiya xaalad deg deg ah gelisay dalkaas kaddib markii ay kacdoon sameeyeen qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Qowmiyadda Oromada ee hadda heleysa xilka Ra’isalwasaaraha markii ugu horreysay waxaa ay dalka Itoobiya ka heysay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Itoobiya oo ah xil madaxweyne oo aan awood badneyn islamarkaana u eg xubin sharafeed oo kaliya.

Dadka Oromada ah ee dibadda jooga iyo kuwa gudaha ayaa ku kala aragti duwan magacaabista Axmed,waxaa ay qaarkood qabaan in Oromadu heshay wixii ay doonayeen halka kuwo kale ay qabaan in Ninkan uu yahay qof Oromo ah hayeeshee qaban doona go’aanno ay leeyihiin Tigreeda.