Breaking News Somali News

Xiriirka Turkiga iyo Maraykanka oo meel xun maraya iyo Ordogan oo Putin kulan la leh

Xiriirka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa sii xumaanaya kadib afgembigii dhicisoobay ee la doonayey in lagu burburiyo dowladda ka dhisan dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa Mareykanka ka codsatay in lagu soo wareejiyo Wadaad Turki ah oo afgembiga dhicisoobay ku eedeysay inuu ka dambeeyey. Wadaadkan Turkiga ah oo lagu magacaabo Fethullah Gulen ayaa baxsad ahaan ku jooga magaalada Pennsylvania ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan ayaa ku eedeeyey Fethullah Gulen inuu ka dambeeyey afgambigii lagu guul daraystay, kana codsaday Maraykanka inay soo dhiibaan.

Fethullah Gulen ayaa dhankiisa iska fogeeyey eedeymaha ay dowladda Turkiga usoo jeedisay, wuxuu Fethullah Gulen sidoo kale cambaareeyey afgambiga dhicisoobay.

Dowladda Turkiga ayaa hawada ka xirtay ciidamadda cirka ee Maraykankaa ee dagaalka adag kula jiray kooxda DAACISH ee Ciraaq iyo Suuriya. Talaabadan Turkiga qaadeen ayaa kaliftay in Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ugu baaqo dowladda Turkiga inay xeeriso baaritaanadda socda inta aysan go’aan gaarin.

Turkiga ayaa Dowladda Maraykanka hordhigay Labo daran mid dooro oo ah in Fethullah Gulen la shaqeeyaan ama dowladda Turkiga la shaqeeyaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Turkiga Ordogaan iyo Madaxweynaha  Ruushka Putiin ayaa usbuucan  kulan xaasaasi ah yeelan doona kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saari doona xiriir iskaashi oo dhex mari doona  Ruushka iyo Turkiga kulankaan ayaa wararka ku sabsan kulankaan ayaa hurdo la,an u ku riday Madaxda Dalka Maraykanka iyo guud ahaan Madaxda wadamada ku jira NATO.

Fethullah Gulen

Related posts

Faahfaahint Askari iyo Haweenay lagu Toogtay Muqdisho

Ahmed sudani

Alshabaab oo Saaka Weerar Cusub ku Qaaday Gaarisa

admin

DAAWO: Isra’il oo dhiseysa Deegaan cusub oo loogu magac daray Madaxweyne Trump.

admin

1 comment

Comments are closed.