Home Somali News Xiliga lafurayo kalfadhiga 6aad ee golaha shacabka oo la shaaciyay.

Xiliga lafurayo kalfadhiga 6aad ee golaha shacabka oo la shaaciyay.

0

 

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa lagu sheegay in Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka uu furmi doono 9-ka bishan October oo ku beegan maalinta arbacada ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la faray inay ugu dambeyn dalka ku soo galaan 7-da October ee ku beegan maalinta Isniinta.

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa bishii 7aad ee Sanadkan la xiray, iyadoo muddo labo bil la fasaxay, intii lagu guda jiray Ciiddii iyo Xajkii.