Animation

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomalia oo si kulul uga horyimid go’aankii maanta kasoo baxay golaha wasiirada

no responses
Wednesday September 6, 2017 - 4:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo hadda muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay uga soo horjeedaan go’aanka xukuumadda kheyre ay ka soo saartay dhiibistii qalbi dhagax.

Xildhibaan Mahad salad ayaa horboodaya xildhibaanada isagoo weliba horay u saxiixay heshiis itoobiya ay la gashay dowladdi xasan shiikh.

Golaha wasiirada waxa ay maanta cadeeyeen in qalbi dhagax si sax ah oo heshiis ku jiro loogu gacan galiyay dowladda itoobiya waxaana golaha wasiirada ay sheegeen in heshiisyo hore oo ay gashay dowladdii xasan shiikh lagu dhiibay qalbi dhagax.

Xildhibaan mahad salaad iyo c/kariim xuseen guulled oo kamid ahaa shaqsiyaadka galay heshiiskaan ayaa beeniyay in heshiiska uu dhigaayo in la dhiibo dadka ka tirsan ONLF iyo in lagu tilmaamo argagaxiso.