Animation

Xildhibaano ka hor yimi shaqo joojintii lagu sameeyay wariye Jaamac Deperani

no responses
Thursday November 12, 2015 - 10:57 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaan Cabdikariin Guure oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Facebook waxa uu kaga hadlay shaqo joojinta wasaradda warfaafintu ku samaysay wariyaha Somalichannel ee Garowe Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperani).

Xildhibaankan ayaa sheegay wasiirka warfaafinta Maxamuud Xasan Soocade inuu ku xad-gudbay xorriyada muwaadinka isla markasna lagala xisaabtami doonno.

Hadalkiisa ayaa u dhignaa xildhibaanka sida tan. “Haddaanu ummadda reer Puntland waxaan leenahay dastuur ku saleysan shareecada islaamka kaasoo na kala haga cidina awood gaar ah oo sharciga ka sareeya ma.lahan tani waa ku xadgudub xoriyadda muwaadinka waana laga xisaabtami doonaa.”

“ Wasiirka isagaa ka hadlay markii ugu dambeysay DeparaniShow waliba wareysigiisa waxaa ku jiray inuu meel uga dhacay xilka uu ummadma u hayo oo uu ku caddeeyay inuu Khaatumo yahay waxaana lagu dhaariyay ilaalinta dastuurka PL iyo xuduudaheeda taasina waxaan xusuusinayaa maaxweynaha PL in dadka qurbaha ka imaanaya oo xilalka soo doonanaya naga hubiyo taariikhdooda,”ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaan Guure.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiqaadir Sheebe oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamay warqada shaqada looga joojiyay Deperani, wuxuna sheegay inaysan meelna ka waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla.

”Warqadaan waa sharci daro aan meelnah kua waafaqsanayn dastuurka io xeerarka wadanka waxan kula talin in wariye Jaamac Deperani shaqadiisa wato, waxan ceeb nago ah wasiirada sidan u kale u hadlan isagoo xafiis u deega shacabka joogah” Xildhibaan Cabdiqaadir Sheebe ayaa bartiisa Facebook soo dhigay isagoona soo qaatay warqadii uu Wasiir Soocade soo saaray.

Dhinaca kale Suxufiyiinta Puntland ayaa u arka in wasaradda warfaafintu ku deg degtay amarka shaqada looga joojiay Jaamac, taasoo ilaa iyo hadda la hadal hayo.

Wariye Jaamac Deperani oo aan xiriir la sameeyay ayaa sheegay inuusan shaqadiisa saamayn ku yeelan warqada wasiirka isla markasna uu sii wato shaqadiisa maadama qoraalka wasiirku uu yahay mid aan sharciga raacsanayn.