Xildhibaano Dhirbaaxo Kulul Kala Kulmay Jawaari Ka Markii Iscasil Dhaheen AKHRISO.

0

Saacidihii ugu dambeeyay Xubno ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Guddoomiye Jawaari ay ka codsadeen inuu iscasilo si loo badbaadiyo Baarlamaanka 10-aad oo xiisada hadii ay sii socoto gabi ahaan shaqada joogsan karto mudo aad u badan taasoo dhibaato ku ah Golaha sharci dajinta.

Xubnahan Xildhibaanada ee la kulmay Jawaari ayaa u sheegay inay iyaga ka madax banaan yihiin khilaafka socda balse xalka uu ula muuqdo inuu iscasilo intii Xildhibaanada Mooshinka xilka kaga qaadi lahaayeen.

Guddoomiye Jawaari ayaa ka biyo diiday arintaasi wuxuuna si caro leh kaga baxay Xafiiskii uu kulanka gaarka ah kula yeelanayay xildhibaanadan isagoona u sheegay inuu sii ahaan doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanadan ayaa waji gabax kala soo kulmay Guddoomiye Jawaari, oo ay doonayeen inay ku qanciyaan inuu is casilo.