Animation

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kala qayb galay shacabka Caaabudwaaq Munaasabada Ciida “SAWIRRO”

no responses
Monday September 12, 2016 - 7:33 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Iyadoo Dunida Islaamka guud ahaan maanta si weyn ay ugu socoto u dabaaldaga munaasabadda Ciidul Adxa ayaa dadweynaha kunool magaalada Caabudwaaq si isku mid ah u wada ciideen, waxaana dadku ay ku kala tukadeen goobo kala duwan salaada Ciida

Barxada Xarunta Dawladda hoose oo maanta ay dad badani ku tukadeen Saalada Ciidda ayaa waxaa kala qayb galay Maamulka degmada iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawlad goboleedka Galmudg.

Shiikh Faarax Mire Rooble oo kamid ah Culimada degmada ayaa Muslimiinta Gudanaysa waajibaadka Xajka Sanadka Alle ugu baryay in Nabadgalo ay acmaashooda ku soo dhamestaan waxaana dhinaca kale uu ugu baaqay Bulshada Caabudwaaq inay ka fogaadaan waxyaabaha kala fogeynaya Midnimaddooda.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi ayaa ugu dambayn ka hadlay Munaasabada Ciida ayaa ugu baqaaqey Dadka Degmada in In laga wada shaqeeyo nabadgalyada bulshaduna ay qaadatoi doorka ugu aadan hawshaasi.

Xildhibaan Dhagaweyne Cabdullaahi Warsame oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa dhankiisa jeediyay Munaasabadaa Ciida dardaaran ku wajahan Bulshada Degmada.

Xildhibaan Nuur Faaarax oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii la tukaday shacabka Salaada ciida maanta ee kana tirsan baarlamaanka federaalka ee dalka ayaa Munaaabada ciida waxaa uu habmalyo u diray Ummadda Islaamka, waxaana uu dhanka kale ku baaqay in laga hortago wixii carqalad ku ah Nabadgalyada.

dscn0623

dscn0639

dscn0668

C/kariin Axmed Bulxan

Facebook Comments