Animation

Xildhibaanada DFS ku matelada oo kasoo horjeestay go’aanka dowlada ka gaartay khilaafka Hirshabeelle.

no responses
Sunday August 20, 2017 - 12:32 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Xildhibaanada dowlada dhexe ee kasoo jeeda Hirshabeelle ayaa qaadacay go’aanka xukuumada ka gaartay khilaafkii Hirshabeelle, kaasi oo aheyd in Madaxweyne Ali Abdullahi Osoble xilka laga qaaday.

Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Hirshabeelle ayaa sheega in xukuumada burburineyso maamulkaasi oo ay kala qeybineyso shacabka gobolladaasi.

” Waxaa laga weecday wadadii hishiiska iyo dhismaha Hirshabeelle, waxaana burburinta si cad u sheegtay xukuumada oo maanta soo saartay qoraal ay ku muujineyso inay la safan tahay dhinac ka mid ah maamulkii Hirshabeelle ee is qabtay” ayuu yiri Xildhibaan Qoone, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Hirshabeelle.

 

Warka kasoo baxay dowlada ayaa waxaa ka muuqda inay ku xoojineyso damaceeda ku aadan inay maamul goboleedyada madaxda joogta wada rido, kadibna ay keensato kuwa ay leedahay iyadda.

Ugaaska Xawaadle iyo xildhibaanada beeshiisa ayaa la filayaa inay dhawaan Baledweyne isugu tagaan, iyagoona go’aan kawada gaari doono dagaalka siyaasadeed oo ay dowlada dhexe ku qaaday Madaxweyne Cosoble.

Facebook Comments