Xildhibaan Puntland ah “Ama Garowaad Qabsaneysaan Ama Waxaad tihiin baa la idinka dhigi” Dhageyso

0

Xildhibaanadda ka soo jeeda beesha dhulbahante ee ku jira Baarlamanka Puntland ayaa maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe caasimadda maamulka Puntland, waxaana ay si qota dheer uga hadleen dagaalka ay dhowaan degaanka Tukaraq ku qabsadeen ciidamada Soomaaliland.

“Ka Puntland ahaan Markasta waxaan diidaneyn Dhiig soomaaliyeed oo daata, lakin maamulka Somaliland intaas isma taagin weerar bay ku ahaayeen dhul uu siiyay sida ay sheegeen ingiriis” Hadalkaas waxaa saxaafadda ka hor sheegay Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji oo ka mid ah xildhibaanadda joogtada ah ee ay beesha dhulbahante ku leeyihiin Baarlamanka Puntland islamarkaana ah ku xigeenka gudoonka Baarlamanka Puntland.

Waxa uu Xildhibaanku intaas ku daray in ay Puntland balan qaadeyso in maanta la is arku doono ciidan iyo kuwo uu magac dhabay oo uu ku sheegay in ay yihiin horgal ka dhan ah Puntland.

“Ama maanta guusha aad sheegeysaan baad gaari doontaan oo garowaad iman doontaan ama Waxaad tihiin baa la idinka dhigi doonaa” waxaa markale hadalkaas uu ka soo yeeray XIldhibaanka.

“Dhul bahantan la hadlayaa Waxaan leeyahay Kaca oo dhulkiina qabsada oo  taariikhdiinana suga”, markale waxa uu ka mid ahaa hadalkii xildhibaan diiriye, isagoo la dar daarmayay beel weynta dhulbahante oo dega deegaanada gobolka Sool.

dhageyso Hadalka xildhibaanka.