Xildhibaan Mahad Salaad” Madaxweyne Farmaajo wuxuu astaan u yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

0

Xildhibaan Mahad Salaad oo si weyn u mucaaradsan Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda si aad ah u difaacay kadib markii Imraadka Carabta uu baraha bulshada ka bilaabay dagaal ka dhan ah madaxweyne farmaajo.

Qoraal uu bartiisa Facebook-ka soo dhigay xildhibaan Mahad salaad ayuu ku difaacay madaxweyne farmaajo isagoona sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya wuxuuna ku baaqay in loo midoobo Imaaraadka oo dagaal toos ah kusoo qaaday karaamada iyo madax banaanida jamhuuriyadda soomalia.

“Madaxdeena in dowlado shisheeye ku xadgudbaan waxay ka dhigantahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay, Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya”

“Madaxweyne Farmaajo inkstoo siyaasad ahaan aan dhaliilsanahay hadana waa Madaxweynihii dalka, maqaam iyo hab-maamuus gaar ah ayuuna leeyahay, wuxuuna astaan u yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad ee Dastuurka KMG ah, in si shaqsi ah dowlado shisheeye ugu xad gudbaana waxay ka dhigantahay sharafta, karaamada iyo madax-banaanida dalka oo meel looga dhacay. Mana aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.