Somali News

Xildhibaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Wararka naga soogaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan magaaladaasi ku dileen Xildhibaan katirsanaa golaha deegaanka Gaalkacyo.

Rag hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa toogtay Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) oo katirsanaa golaha deegaanka Gaalkacyo sidoo kale ahaa ganacsade, waxaana dilka kadib baxsaday ragii hubeesnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in Xildhibaanka la dilay xili uu kasoo baxay goob ganacsi, waxa uu sidoo kale tilmaamay in raga hubeesan dhaawaceen askari isku dayay in uu qabto.

Related posts

Dhagayso+Sawiro:- Xaflad loo Qabtey Ardeyda wax ka barata Machadka Iimaamu shaafici ee Baardheere

admin

Daawo Sawiro: Ururka Saxafiyiinta Gobolka Mudug ee Galmudug oo Maanta Doortay Gudoomiye Cusub

admin

Daawo: Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo Khadka Taleefanka ku wada hadlay iyo Xabad Joojin Galkacyo looga Dhawaaqay

Tifaftiraha K24