Xildhibaan Fartaag “Dawladda Soomaaliya waxay indhaha ka qarsatay dhibka lagu haayo Shacabka Baledxaawo”

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ku guuldaraystay in ay wax ka qabato dhibaatadda dowladda Kenya ay ku heyso shacabka ku sugan degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil  Fartaag ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya aysan waxba ka qaban faragelinta dowladda Kenya ay ka waddo degmada Baledxaawo.

Waxaa uu sheegay in hanti boobka lagu haayo dadka kunool Baledxaawo ay indhaha ka qarsatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Fartaag ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in marnaba aysan xukuumado ka hadlin faragelinta dowladda Kenya ee Baledxaawo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda degmada Baledxaawo waxa ay cabasho ka muujiyeen dowladda Kenya oo ay sheegeen in ay dhul balaarsi ka waddo  degmada Baledxaawo.