Animation

Xildhibaan Drs, Maryan Cariif Qaasim oo lagu soo dhaweeyey magaalada Rotterdam, Netherlands Loogana tacsiyeeyay geeridii ku timid Dr maxamed Cariif

no responses
Monday September 21, 2015 - 4:36 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Kulankan oo isugu jiray soo dhaweyn xubno ka mid ah reer Cariif Qaasim iyo uga tacsiyeen geerida ku timid dhawaan walaalkood Dr, Maxamed Cariif Qaasim.

Waxaa hadalka furitaanka qaatay  Ganacsade Tusbaxle    

„ Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan soo dhaweyn iyo u tacsiyeen u sameyno reer Cariif Qaasim, oo ay hoggaamineyso Xildhibaanad Drs, Maryan Cariif Qaasim, oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga dastuurka Dalka Soomaaliya, waxaana leeyahay allaha u naxariisto walaalka reer Cariif Qaasim ka baxay, sidoo kalana waxaan leeyahay Xildhibaanada kusoo dhawaw Holland, aniga oo waliba rajeynayaa inay kulaamo kale oo qiimo badan u imaan doonto dalka Holland.” Ayuu yiri

Drs. Xamsa Shiikh Xuseen Hannoolaato oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay aqoon dheerne u laheyd familka reer cariirf ayaa soo dhaweysay dhamaan reer cariif waxeyna ku dheeraatay  aqoonta ay u ledahay familka guud ahaan si gaar ah waxey xustay oo goobta ka sheegtay Cariif inuu ahaa dhakhtarkeeda qaaska ah sidoo kale waxey ka hadashay aqoonta ay u leedahay Drs. maryan cariif oo ay ku sheegtay ineey aheyd gabdhii ugu horeysay oo noqotay Abuukaate Soomaaliyeed  waxeyna sheegtay ineey xildhibaan kabadan is taahisho Drs Maryan Cariif.

Shiikh Cumar Qaanso, oo ku hadlayey magaca ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Holland ayaa waxaa uu sheegay inay aad uga tiiraanyeysan yihiin geerida ku timid aqoonyahan ku weyn reer Cariif Qaasim, sidoo kalana waxaa uu si diiran usoo dhaweeyey booqashada ay dalka Holland ku yimaadeen saddex xubnood oo la dhashay marxuumkaasi dhintay oo ay hoggaamineyso Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim. Waxaase uu dhinaca kale xog ka siiyey xubnaha xaalka ganacsiga iyo nolosha Soomaalida.

(Inkastoo dalka Holland ay dadkii badi ka guureen, oo ay dhanka UK inaga jiraan, haddana dadka halkan jooga waa in yar oo isku xiran, islamarkaana qiimo iyo tayo sare ku dhex leh bulshada ay la nool yihiin. Taasina waxaa cadeyn u ah sida quruxda badan oo ay soo dhaweyntiina caawa isugu yimaadeen ) ayuu yiri Shiikh Cumar Qaanso.

Maxamed Guure, oo ah kuxigeenka hoggaanka dalladda ay ku mideysan yihiin Soomaalida ee FSAN, ayaa waxaa uu sheegay inay si isku mid ah dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaan geerida Maxamed Cariif, isagoona sheegay inay muddo  dheer ay wada deganaayeen wadanka Holland, waxaana uu si gaar ah usheegay in sida ay dadka u jecel yihiin darteed markii la aasayey dadkii meel ay kala istaagaan waayeen.

(Allaha u naxariisto Maxamed Cariif, waxaa uu ahaa ahlu-jano, waxaana uu si guud uga baxay dadka Soomaaliyeed oo dhan, dhinaca kalana waxaan Xildhibaanada iyo xubnaha kale ee familka reer Cariif Qaasim leeyahay kusoo dhawaada wajiga Soomaalinimo ee la idin kusoo dhaweeyey.). ayuu yiri Maxamed Guure.

Xildhibaanad Drs, Maryan Cariif Qaasim, oo kadib hadalka la siiyey ayaa waxaa ay dhammaan dadka Soomaaliyeed uga mahadcelisay kala shaqeynta geerida walaalkeed iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Holland iyada iyo xubnihii kale ee familka reer Cariif Qaasim ah. Waxaana ay intaasi ku dartay inay jaaliyada Holland ay uga duwan yihiin jaaliyadaha kale oo ay dunida meelo badan kusoo aragtay.

(Waxaa marka hore idin ka mahadcelinayaa ka tacsiyeytiina geerida walaalkeen Maxamed Cariif, waxaana idin leeyahay waxaa kasoo baxdeen doorkii walaalnimo ee la idin ka filayey, sidoo kalana waxaa inoo muujiseen waji aanan ilaawi doonin inta aan jirno) ayey tiri Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim.

Dhinaca kale, waxaa ay sheegtay in qurba-joogta dalka ay saameyn badan oo kala duwan dalka ay ku leeyihiin, kuwaasi oo isugu jira dhanka wanaagsan iyo dhanka xun. Waxaana ay tusaale usoo qaadatay inay ganacsiga iyo dib u dhiska dalka ay wadaan dad u badan qurba-joog, sidoo kalana ay xildhibaanada marka lo qeybiyo saddex meelood ay meel yihiin qurba-joog, kuwaasi oo runtii la dhihi karo inay wax badan ka baddeli karaan dalka Soomaaliya. Waxaase ay dhanka kale sheegtay inay badi dadka qaraxyada ka sameeyey Soomaaliya ay yihiin kuwa ka soo noqday dalka dibadiisa.

(Waxaa xaqiiqo ah inaad wanaag badan u leedihiin dalka Soomaaliya, waxaase taasi ka xoog badanaya wararka inta xumaanta dalkii kula soo noqotay ee qaraxyada sameyneysa, sidaasi darteed la socda inaad tihiin dad leh wanaag iyo xumaan, waxanse idin ka rajeyneynaa inuu wanaagiina dalka ku bato, oo aad inga yareysaan kuwa dhibka wada iyo ma shaqeystayaasha halkan ku wareeray ee Soomaaliya aad usoo dirteen” ayey tiri Xidhibaanad Drs, Maryan Cariif Qaasim.

Dhinacakale, waxaa ay faahfaahin ka bixiyey howsha guddiga ay madaxda u tahay ee ah guddiga dastuurka u qaabilsan baarlamaanka Soomaaliya, iyaddoona sheegtay inay howsha daah badan uu galay kadib markii guddigii horey loo magacaabay muran ka dhashay, qaar xilkii iska casileen, kadibna ay dhacday in mid kale la soo magacaabay xilli dowlada dhan ay u harsan tahay wax ka yar hal sano, waxaana ay intaasi raacisay in dastuurka uu u baahan yahay talo badan oo u dhexeeya shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad.

Arrinta ugu xiisaha badan oo ay ka hadashay ayaa aheyd mida jinsiyada ama dhalashada Soomaaliya qofka qaadanaya, taasi oo baryahan danbe dood badan ka jirtay, waxaana ay sheegtay in howshaasi ay tahay mid u baahan wadahadal iyo go’aan ka gaaris wada jir ah oo Soomaali u dhan tahay, laakiin aan looga cabsan inay baarlamaanka iyo guddiga dastuurka ay gaar u qaataan go’aan.

Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim, waxaa ay sidoo kale sheegtay in dastuurka cusub ee la qorayo uu meesha ka saari doono muranka soo noqnoqday ee u dhexeeya Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, waxaana ay sheegtay in iminka uu xildhibaanka ka imaan doono xisbiga ugu codka badan baarlamaanka, sidaasina uusan Madaxweynaha danbe awood u yeelan doonin inuu xil ka qaado,taasi oo aheyd mid ay si weyn usoo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed ee ka soo daalay ka hadalka khilaaf hoggaanka sare u dhexeeya, oo uusan dastuurka dalka kala saari karin.

IMG_1054IMG_1057IMG_1061IMG_1066IMG_1068IMG_1072IMG_1073IMG_1077IMG_1078IMG_1128IMG_1139IMG_1140IMG_1144

Facebook Comments