Xildhibaan Dhalxa: “Xildhibaannada xalay shiray kuwo aqalka sare ayaa ka mid ahaa”

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannadii xalay ku shiray Muqdisho ee sheegay in uu bur buray mooshinka ka dhanka ah Jawaari ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka mid ah aqalka sare.

Xildhibaan Dhalxa ayaa isweydiiyay goorta la isku daray xildhibaannada labada aqal ee Golaha aqalka sare iyo kuwa shacabka ee xalay halmeel wada fadhiyay.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka dalka lagu xadgudbayo islamarkaana ay taas keeni karto in Booliska iyo Taraafikada oo isku milma sidaas darteedna loo baahanyahay in laga waantoobo.

Aqalka sare ayuu sheegay in uu leeyahay xeerar u gaar ah waxaana uu ku tilmaamay faragelinta lagu hayo golaha shacabka gaar ahaanna xildhibaannada aqalka sare.

Xildhibaanku waxaa uu Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ugu baaqay in uu xildhibaannadiisa cishto haddii ay dhici weysana ay imaneyso in marka iyaga ay is qabsadaan ay faragelin ku sameyn doonaan kuwa Golaha shacabka.