Animation

Xildhibaan Dalxa, “48saac ayaa loo qabtay in lagu soo ogaado darbiga ay Kenya ka dhisayso Xadka Soomaaliya”.

no responses
Wednesday November 18, 2015 - 12:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo ay kamid yihiin Xildhibaanno iyo Khubaro ayaa booqday xadka Soomaaliya iyo Kenya halkaasi oo dhawaan la sheegay inay kusoo xadgudubtay Dowladda Kenya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah wafdiga Wasiirka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ay booqdeen Dhulka ay Kenya ka dhisayso darbiga oo Maalmahan muran ballaaran uu ka jiray.

“Waxaan wali kuguda jirnaa Howshii uu baarlamaanka noodiray inaan soo ogaanno illaa heer Wasiir oo Mas’uuliyadda nala saaray ah, Annaga markaan soo dhamaysanno safarkeenna waxaan soo Gudbin doonnaa Waxyaabaha aan soo aragnay inagoo u soo gudbin doonna Baarlamaanka Soomaaliya oo Warbixintaas naga sugaya, maadaama 48saac loo qabtay in lagu soo ogaado inay jiraan arrinta ah in Kenya ay darbig ka dhisayso xadka ay Soomaaliya lawadaagto” Ayuu Yiri Xildhibaan Dalxa.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray Xiisad ku Aadan Arrinta la xiriirta darbiga Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Facebook Comments