Xildhibaan Dacwad ka gudbiyey Wasiir katirsan Xukuumada Somaliya.

0

Waxaa sii kordhaya xiisadda ka dhalatay hadal shalay uu xildhibaanada baarlamaanka ku weeraray xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan golaha wasiiradda Xukuumadda Kheyre.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dacwad ka gudbinayaan wasiir Goodax Barre oo uu sheegay inuu isaga ku tilmaamay inuu Al Shabaab ka tirsan yahay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka hadalkaasi uu ugu gafay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo shaqsiyadiisa sheegay inuu ku tilmaamay inuu yahay xubin Al Shabaab ka tirsan oo baarlamaanka dhex jooga.

Yuusuf Xuseen, ayaa cadeeyay in xildhibaano badan ay kulan ka yeesheen hadalka wasiir Goodax Barre, islamarkaana ay dacwad ka dhan ah u gudbin doonaan guddiga anshaha ee baarlamaanka.