Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Digniin Culus u diray Danjire Micheal Keating

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa weerar afka ah ku qaaday Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, isagoo ku eedeeyay inuu faraha kula jiro arrimaha baarlamaanka iyo mooshinka ay ka keeneen Guddoomiye Jawaari.

Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inay muhiim tahay in Barlamaanka madax banaanidiisa loo daayo, isla markaana xubnaha Beesha Caalamka ay faraha kala baxaan.

“Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Micheal Keating, waxaa uu u dhashay Ingiriiska, Xildhibaanada kala bar waxay heystaan baasaboorka Ingiriiska, mooshinada adduunka kama hadlee keena muxuu uga hadlaa, ma aqoonta ku yar anaga muu rabaa maxmiyad, balaayo iyo shirqool inuu noo maleego, Mooshinada Baarlamaankada Caalamka waa isku mid”ayuu yiri Daahir Jeesow.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa dhowaan sheegay in mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari uu jabay, isla markaana uu socdo mooshin laga wado Ra’iisul Wasaaraha, waxaa uu xusay in mooshinadan aan waxba laga qaban karin, maadaama dalka shuruuc adag ka jirin, sidoo kalena ay tahay mid caado ka ah siyaasadda Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay mooshinka Guddoomiye Jawaari, waxaana ay ku baaqeen in xal laga gaaro mooshinkan, isla markaana wixii khilaaf ee jira lagu xaliyo sida sharciga qabo.