Somali News

Xildhibaan C/Xakiin oo Xisbiga Himilo Qaran ku Eedeyey Hurinta Colaadda Galmudug.

Xildhibaan Cabdixakiin Maalin oo ka jawaabayey xilka qaadistii ay ku sameeyeen xisbiga Himilo Qaran ayaa Qoraalkan ku daabacay bartiisa Facebookga.

Waxaan soo dhaweynayaa aqblaadda uu Xisbiga Himilo Qaran ee aan ka tirsanaa ku oggolaaday inaan isaga tago xubinnimada xisbiga, maadaama aan isku ku aragti ka noqon waynay arrima masiiri ah oo aan xallin weynay.

Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay

Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug

Related posts

Sawirro: Ra’isul wasaare kheyre oo xalay kormeer ku tagay koontaroollada laga soo galo muqdisho iyo…..

admin

Dhagayso:- Top News Shariif Sakiin ” Anagi iyo Axmed Madoobe Heshiis Rasmi ah ayaan Gaarayna “

Tifaftiraha K24

Akhriso: RW Oo Masuul cusub xili cusub u magacaabey!!!

admin