Xildhibaan Baarlamaanka federaalka ka tirsan oo Caawa Muqdisho ku geeriyooday+Magaciisa

0

Cisbitaalka Madiina ee Magaallada Muqdisho waxaa caawa fiidkii ku geeriyooday alle ha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullahi Khaliif (Duureey) oo ka tirsan baarlamaanka soomalia .

Xildhibaanka oo waayadaanba xanuunsanaay ayaa maanta la dhigay cisbitaalka madiina si xaaladdiisa caafimaad loogu dabiibo balse caawa fiidkii ayey qadartii alle u timid.

Xildhibaan khaliif shiikh cabdullahi ayaa kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ee laga soo doortay deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay xildhibaano iyo ehelada marxuumka dhintay alle ha u naxariistee.