Somali News

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo gaashaanka u daruuray Qoraal ka soobaxay sirdoonka Somaliya oo lagu sheegay.

Xildhibaan  Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor-yimid warbixin kasoo baxday Hey’adda NISA, taasoo lagu sheegay in dal shisheeyey uu lahaa qorshaha qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex Contol Afgooye.

Xildhibaanka  ayaa bartiisa Facebook ga Qoraal uu soodhigay sidaan ahaa.

Warqadda hey’adda NISA ee la yaabku ka muuqdo waxaa iiga soo baxey:

1. In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda.

2. Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay.

3. In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo.

4. In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro.

Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin!

Related posts

Wafdi uu hogaaminaayo Ra’isul wasaare ku xigeenka soomalia oo Bujambuura uga qeyb galaya ciyaarta Final-ka ee u dhaxeysa somalia iyo Burundi

admin

Faallo: Ugaasnimada Beesha Sade waa Mid soo jireen ah ee Fowdada iyo Qaska halaga Daayo, W/Q Maxamed Xuseen Dhageey.

admin

Minister for defense welcomed in Kismayo

Tifaftiraha K24