Xil-sugashaddii iyo xil-doonista Xasan Sheekh

0

waa qaybtii sedexaad faalo tixane aheed ee aan cinwaankeeda ka dhignay “xil-sidashadii iyo xil-sugashadii Xasan shiiq iyo xanjafintii Febraayo” taasoon qaybaheedii kale horay u wadaagnay.

Madaxwaynahu markuu xil ka kadego waxaa u taala hawl balaaran taasoo ah in uu ka qayb qaato hormarinta nolosha bulshada, in uu saadaal iyo talo ka bixiyo geedi socodka siyaasadda dalka, kana qiiliyo khatara siyaasadeed ee uu dalku gelayo.

Madaxwaynihii hore Xasan Shiiq wuxuu xilka u wareejiyay si xarago leh, dabacsanaan kujirto, bisayl ka muuqdo ka dib markii doorashaddii looga adkaaday uu na aqbalay si geesinimo ku jirto khilaafsanna, dhaqanka Afrika looga bartay, waa faqsanna dhaqankii hore ee Soomaaliyaddii hooyadda u aheed dimuquraadiyadda Afrika. Wuxuu jeediyay khudbaddo abuuraya qalbi furnaan (“Soomaliyada cusub halaga qaybqaato”), ka turjumaya bisayl iyo in Xasan ogolyahay in uu marna wax xukumo marna la xukumo. Xasan Shiiq waxaa ka codeeyay oo uu waayay codadkii xildhibaanaddii xukuumadduu hogaaminayay ay soo xushay, xulista xildhibaanadda tacab ayaa oga baxay sife uu u dhamaystiro waxyaabo uu ku taamayay.

Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu noqday xildhibaan golaha shacabkaa wuxuu qaatay siyaasad xasiloon, siyaasad aan lahayn xanaf iyo dhaliilo ka dhan ah dawladda asaga ka danbaysay. Waxaa jira siyaasiyiin jeediya hadallo kala qaybinaya bulshadda Soomaaliyeed oo runtii rajo xumo kubeera shacabka. Xasan wuxuu qaatay siyaasad ka duwan taas, siyaasad iimaan ka muuqdo, siyaasad ‘sugasho’ leh. Xasan Shiiq wuxuu isku maaweeliyaa in uu dadka la wadaago khibradihiisa waayo aragnimo, wuxuu u dhawaaday dhalinyaradda Soomaaliyeed oo intuu xilka hayay fursaddu u diiday. Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu u dhaqmay wuxuu yahay (waa in uu yahay madaxwaynihii hore dalkaan) wuxuu sugay in uu san ku dhex carcararin xasradaha siyaasadeed e dalka soo maray in tii uu xilka ka sii maqnaa. Arintaas waxay noqotay dhaqan dadbadan soo dhaweeyeen.

Xanjafintii febweri

Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu galay doorasho uu sifiican oga soo shaqeeyay, doorasho uu dhinac walba ka soo qaabeeyay, runtiina uu rajo wayn ka lahaa. {(Waxaan is oran karaa Xasan wuxuu eer saday qaabkii ay u meteleen wakiiladdiisii, kudladdii la oran jiray “Damjadiid”. Dhalinyaraddii waziiraddii Damjadiid ee faraxsanaa waxay riiqiyeen, si aan haboonayna u mataleen Xasan Shiiq, waxay xurgug ku beereen, siyaasiyiintii, xildhibaanadii iyo salaadiintii deegaanadii ay kasoo kala jeedeed, taas ayaa keentay in xasan la ‘xanjafiyo’ lugu la na dhaco caro ay dhaliyeen dhalinyaraddii gacanta u aheed saas na looga codeeyay}).  Waxaa jira doodo dhahaya Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu eer saday in uu gacan saar la lahaa Dawladaha deriskaa ayadoo laga shidaal qaadanayo booqashadiisii iyo ereyaddii uu ka jeediyay Jigjiga. Haa’ cadaadis waa lama huraan haddaad hayso hogaan un hayso dawlad daciif ah kuna taal meel istiraatiiji ah, ciidanna waa lagama maarmaan hadaad cidaan wax ba reebayn is haysaan, ayadoo saas jirto, Maya calanku waa lama ciilaan!!

xaqa cod bixinta waxaa lahaa xildhibaanno la soo xulay oo kooban loona arkayay in la jahayn karo codbixintooda. Xasan Shiiq maxamuud wuxuu dadaal badan ku bixiyay siddii uu u soo laaban lahaa markale taasoo uu u ogolaanayay Axdi-qarameedka qabyadda ah iyo damaciisa binu’aadamnimo. Waa wax markasta dhaca in qof siyaasi ah isku dayo, soo laabasho, waa haddii uu heli karo qiil u saamaxaya. Kooxdii Damjadiid e uu hogaanka u hayay madaxwayne Xasan Shiiq waxay galeen hardan siyaasadeed, soo saareen xildhibaanno lala balamay, lugu la na balamay sii wadista rajada iyo guusha kudladdii Damjadiid loo yaqaanay. Kudladdaas waxay ka dhexjirtay quluubta dadka, maahayn kaadiriin tirsi beelay e wada daadihinayay siyaasad gaamurtay, waxaad ka garan kartaa inay ahaayeen fara kutiris, hebeenkii doorashadda Xasan garbihiisa waxaa taagnaa/joogay oo kaamirooyinku qabteen Waziirkii arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa’ oo ah runtii shaqsi wacdare kasoo dhigay deegaan doorashaddiisa wuxuu ahaa ninyaroo lugu aamino meeshii loo diro, deegaanka iyo damjadiid labudba waa ku danqabeen, iyo Ustaad Faarax Shiiq Cabdulqaadir oo asagu aamusnaanta wax ku kala jara, meel dheerna natiijooyinka iyo ribixa siyaasadda ka qaabeeya, waxaa dheer labadaas ee rag kale oo ka mid yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aan asagu waqtigaas la joogay waxba ka galin kudladana abaal badan ku lahaa, runtiina kudladdu abaalkii waa  uguday oo hadba inta la gardaadsho ayaa kursi iyo xil la saari jiray, Damjadiid waxay ahaayeen koox aan gaarsiisnayn xizbi ninwalbaalaa

Waxa lugu eedayn jiray xukuumaddii Xasan Shiiq in uu isku meegaaray koox ayaka kaliya uu wax u ogolyahay xilalka u wakiisho. Runtu waxay tahay in Xasan uu dalka iyo dawladnimadda masuul ka yahay, wixii xumaadana ay dushiisa yihiin. Aduunku wuxuu leeyahay meel qofka laga eego waxa uu yahay, qof kastaa lamabar ayuu leeyahay halkaas ayaa laga eegaa waxa uu galo iyo waxa uu gooyo, Soomaaliya taasi kama jirto, dadka dhan way kala shakisan yihiin, qof ku dhacaa majiro in uu xil u dhiibo qof uu san aqoon. Arintaas Xasan sameeyay ee ah in koox is bahaysatay, intay rabaanba hala ekaadeene ee aan qabiil wadaagin dalka xukumaan waxay aheed wax wanaagsan, kudladii Damjadiid waxan ognahay inay ahaayeen dhalinyaro kala jufooyin duwan aragtina ka dhexaysay tiradoodu intay rabto ha ahaadeene, markaa kudladu dhibmalahayn.

Madaxwayne Xasan Shiiq wuxu wajahay mawjado siyaasadeed sidda in lugu eedeeyo in uu yahay nin koox u xiran, in uu yahay nin hoosta ku watta dawladaha deriskaa iyo shisheeye, in uu yahay nin maaliyadda ku tagri falay ayuu eersaday, iyo xurguf siyaasadeed oo kala dhexaysay dhamaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Waxaa jiray siyaasiyiin iyo beelo ku doodayay in la daba marsiiyay xaqii wakiilashadda iyo ergo dirashada, dhaqankay rabeena aanu matelin. Sidoo kale waxaa ayaduna aan la inkiri karin in Xildhibaanaddii xiligaas kusoo biireen dhalinyaro farabadan ku waa soo aad u caaboonaa imbadanna Xasan looga waramay arkayna dhaqdhaqaaqyo lugu tilmaamay in ay ka yimaadeen dawladaha deriskaa, u na yimid in ay Xasan caawiyaan, waxaa dheeraa shacabka oo qiiro geliyay dhalinyaradaas fartana ugu fiiqay meel aan Xasan ahayn iyo Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Faramaajo oo markii hasytay isla ogloonshiyaha shacabka Soomaaliyeed baddi. Xasan Shiiq wuxuu isu arkayay in uu san jirin qof ka mudan. Xasan sida ay u weriyeen wakiiladdiisu wuxuu qabay kalsooni, waxay ka qariyeen sidii ragnimadu ku jirtay ee ay umateleen iyo in ay rag soo riiqiyeen. Waxaa u rooneed Xasan in uu beelaha ayaka isku diro wiilashii faraxsanaa e awooda haystayna uu yiraa ka danbeeya dhaqanka saxdaa intii suurtagal ah. Si kastaba Xasan waa la xanjafiyay waana laga codeeyay waxay ku noqotay layaab, aaway tacabkii dadaalkii iyo juhudigii la galay wuxuu ogaaday waxa dadku rabaan waxaan ahayn inaan cidi qaabayn Karin, casharbuu qatay maantana u malayn mayo in uu ku laabanayo wadadii uu horay u maray.

XASAN WAA XIL-DOON

Qofka siyaasigaa ee xilsare qabtaa waa bir madoow oo kale, birtu markay xumaato ee gaariga laga furo lama tuuro waa la xareeyaa si looga faa’iidaysto markii mida aadku bedeshay kaaga xumaato, oo meel geeri go’an ah kaaga jabot, ama ay noqon wayso saal-baashkii aad malaynaysay. dawladuhu siyaasiyiinta rugcadaagaa dib ayay oga faa’iidaystaan waxayna u yaqaanaan “experts, human liberary” aduunka lagama yaqaanno dhaqanka ah  cirka gee’ dhulka ku dhufo Soomaaliya un baa laga yaqaanaa, siyaasadda Soomaaliya waxaa la yiraahdaa nin soo maray ma soo celiso dhaqankaas waa dhaqan u baahan in la bedelo waayo markii qofka waqti iyo xoog laynlin kaaga baxo waa dhibaato inaad degdeg iyo sahal u oga tagto. Waxaan rabaa in aan idinla wadaago in aanan Xasan Shiiq u la dhacsanaan lahayn sidda aan u la dhacsanahay hadda oo aan qorayo maqaalkaan. Waxa dhacay ee keenay in aan la dhacaa waxay tahay in Xasan cashar lama ilaa waana loo dhigay doorashaddii Febweri asagoo xeelad badan u soo galay siddii uu u soo laaban lahaa hadana iridaa laga bixiyay, waxaa la tusay in aanu maal, iyo xulufo lasoo qaabeeyo midna aanay kursiga ku haynkarin. Xasan wax cajiiba ayuu sameeyay hadana waa laga guday, waa la edbay ayaan oran karaa Xasan. Hadan sidaas la yeeli lahayn wuxuu is moodi lahaa in uu dadka leeyahay dalkana warkiis daa’. Xasan Shiiq hadaan doorashadaas looga raayeen waxbadan ayaa ka dahsoonaan lahaa odaga maanta wax ka dahsoon malahan. Ii la fiirsadda oo is waydiiya muxuu Xasan u bedelay magacii ururkii sii hore? Ii la kuur gala khudbadihii uu ka jeediyay fagaarayaashii caalamiga ahaa iyo ku wii maxaliga ahaa. Ila taxliiliya salaantii togneed iyo madax raaricintii markii uu xilka wareejinayay waxay aheed bisayl iyo garasho dawladnimo, iyo is dhiibid shaqsi ah.

Madaxwaynihii hore Xasan Shiiq wuxuu tijaabiyay waayo aragnimo badan, wuxuu maanka ku hayaa wadaddii hore ee ay qaadsiiyeen dhalinyaraddii faraxsaneed ee muruq maalka aheed ee ka shaqaysan jirtay dalka, wuxuu sidoo kale maanka ku hayaa dariiqyaddii ay ka leexatay xukuumaddii asaga ka danbaysay iyo godadkii ay ku dhaceen. Xiligii xukuumaddii Xasan Shiiq geeska Afrika waxaa ka jiray culaysyo farabadan, xaladda geeska Afrika way xasilantahay siddiina wayka degantahay culaysyaddii Xasan haystayna majiraan hadda hadduu sidaas ugu yimaaddo wuxuu u arkaa farsad, sidoo kale madirsan doono wiilashii uu waagii dirsan jiray e wuxu isku dhiib doonaa dhaqanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed igana talsha orandoonaa.

Madaxwayne Xasan Shiiq waa siyaasi leh damac hogaamineed, waa siyaasi la yaqaanno waxa uu ku fiican yahay, waxa uu kuliito, iyo inta ay dhantahay waayo aragnimaddiisu. Xasan Shiiq wuxuu soo xukumay dalka xilli adag. wuxuu yaqaanaa halka danbasku ka kululyahay iyo halka uu ka qaboowyahay, wuxuu yaqaanaa sidda loo miisaamo, loona dheeli tiro qaybtanka iyo kaltanka awoodaha beelaha Soomaaliyeed. Dalku hadba wuxuu qaadanayay sistam dawladnimo wali dalku wuxuu haystaa sistamkii la haystay xiligii Xasan soo ahaa madaxwaynaha sidaas darteed waa siyaasiga kaliya e la garanayo, lana tijaabiyay e aan ugub nugu ahayn, waa siyaasi waqti ku filan ku soo qaatay awoodda dalka sidoo kale waqti ku soo qaatay awood la’aan, helayna, fursad is barbardhig xili madaxnimo iyo xili shacabnimo. Xasan Shiiq wuxuu awood u leeyahay in uu ka leexdo humaagta guul wadaynta iyo sacabtunka aan xaqiiqadda ku salaysnayn e laga caadaystay geyigeenna Soomaaliyeed.

Xasan Shiiq wuxuu ku dhacay godad dhawr ah, qaar waxaa ku riday xaaladda cakiran ee geeska Afrika iyo xaaladda aduunkaan maanta faragalintu noqotay caadada, qaar waxaa ku riday xaaladda siyaasadeed e dalka oo ah mid aan anshax iyo dhawr si luguu ogolayn, qaarna waxaa ku riday damaca binu’aadamka iyo berri maanta ku deberta siyaasadda Siyaasiyiinta Soomaalida, maanta waxaa soo dhan Xasan wuxuu u leeyahay awood garasha, Xasan Shiiq waxaa nagagalay waqti, maal, iyo maskax waxaa la joogaa xiligii aan ka soo ceshan lahayn, Xasan Shiiq waa hanti dalkaan iyo umadaan leedahay, waxaa quman in laga faa’iidaysto. Shaki malahan in Xasan khaladaad ka dheceen hadana inta aan soo sheegay e kuriixay waa midaan in dhaha laga qarsan karin, u malayn mayo in qofaan khalad galayn haduu jiro qof aan khalad galayn uma baahnin qof khalad galaya sida Xasan. Dadbaa xusuusta markay Xasan Shiiq maqlaan dhulkii Galmudug loo yaqaanay, dhulkii ayraboorka u dhawaa’ iyo 11heshiis Xasan asagaa laga rabaa in uu qurxiyo arintaas ama dafiro oo diido, amaba xalaaldhimadooda daaha ka qaado.

Madaxwayne Xasan Shiiq sedex meel waxaa oga kordhay waayo aragnimo iyo caqli wayn. Siddii uu doorashaddii 2016 u soo qaabeeyay iyo sidii natiijaddu isu bedeshay caqli waynnaa oga kordhay wuxuuna su’aal geliyay shaqaddi uqayb sanayaashii faraha fududaa (Adowaa’ iyo ragiisii) sidoo kale dhaqdhaqaaqyaddii dawladdii asaga ka danbaysay waxaa oga kordhay waayo aragnimo wayn. Dawladdii Shariif Xasan u ma diyaar sanayn in uu waayo aragnimo ka kororsaddo halka uu aad ugu diyaarsanaa in uu dawladd Faramaajo wax ka kororsaddo. Madaxda Soomaaliya waxay u baahan yihiin la taliyayaal aan kula jirin xayn daabka maadashadda iyo Amaanka (dhagaxda iyo baabuurta buled-buruufkaa) e ay madaxdu u galeen duruufaha amani. Waxay u baahan yihiin in ay lataliyaal ka dhigtaan dad ka war qaba xaaladda dadka la rabo in la xukumo, waxay u baahan yihiin lataliye sedex kun caasi ku raaca, la taliye sidda badan lugeeya, la taliye sedex kun shaax ku caba, fariistana maqaayadaha xogta iyo xaaladda saxdaa taallo e cid walbaa soo gaarto.

Gabangabo:

Soomaaliya dhibaato ayay ku qabtaa in hadba qofkii xukuma waxyar lacayriyo ee la caayo. Waxay u baahantahay in laysu dulqaato layla shaqeeyo ee aan xashaadada oo kale laysku noqon, in aan lugaha laysku dheegnaan ayay u baahantahay Soomaaliya. Maalinkasta qof aan la aqoon aan tijaabino maahan wax aan ku gaari karno umadaha horumaray. Hadaan qof ku siranno nooma furna in aan cayrino kaliya in aan kabkabano oo ku meel gaarnana way noo furantahay. Konton musharax ee aan la aqoon waxaa ka fiican labo la yaqaan midkastaa waxa uu ku liito iyo waxa uu ku fiican yahay.

Maqaalkaan cidna ugu daraan mayo cidna ugu roonaan mayo waxaan marsiiyay meel dhexdhexaad ah.