Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan

0
444,0,4432,0,1354,96,1024,714,693,862,27140,1113

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka degmada Maxaas ee gobolkaasi Hiiraan.

Xiisada ayaa la sheegay in u dhexeyso maleeshiyo Beeleed Walaalo ah oo wada daga halkaasi, waxaana lagu soo warramayaa in ay salka ku heyso xiisadaasi dilal la xariira aanooyin Qabiil.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo xariiro la sameynay ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdaan gobolka Hiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo aan la xariirnay ayaa dhankooda sheegay in ay wadaan dadaalo nabadeed oo lagu xalinayo xiisadaasi.

inta badan Gobolka Hiiraan ayaa waxa ku soo noq noqda dagaal Beeleedyada ka dhaca gobolkaasi, iyadoona waxyeelada ugu badan ay ka soo gaarto dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan.