Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Deegaano Ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0
444,0,4432,0,1354,96,1024,714,693,862,27140,1113

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal iyo saan saan colaadeeed ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xiisadan oo u dhexeysa malaashiyo Beeleed walaalo ah ayaa waxa laga dareemayaa tuulooyinka Dheyman-Same iyo Maandheere oo hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyo iska hor jeeda laga dareemayo halkaasi, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal markale uu ka dhaco deegaanadaasi.

Xiisadan ka taagan duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe ayaa salka ku heyso arrimo la xariira dhul Beeereed ku yaalla halkaasi, iyadoona shalay maleeshiyaadka labada dhinac ay ku dagaalameen deegaanadaasi.