Iyadoo dhowaan ciidamada nabad sugida Soomaaliya ee NISA ay is hortaag ku sameeyeen Xildhibaan Daleys Xasan Aadan xilli ay ka dhoofi rabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ay xildhibaanada golaha Shacabka usaareen guddi xaqiiq raadin ah oo baara waxa sababay is hortaaga lagu sameeyay xildhibaanka.
Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa Guddiga ka dalbaday in baaritaano lagu sameeyay sababta keentay xildhibaan loo diido in uu aado degaankii laga soo doortay, islamarkaana Garoonka Muqdisho lagu xayiro.
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha shacabka ayaa lagu amray inay mudo labo todobaad gudohooda ku keenaan warbixin dhameystiran oo laxiriirta safarka xildhibaanka ee ay ciidamada NISA baajiyeen.
Majiro wax war ah oo ay soo saareen saraakiisha hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya ee NISA oo laxiriira xayiraada safar ee lagu sameeyay 25 bishaan Xildhibaan Daleys Xasan Aadan