Animation

Xasan Shiikh, Farmaajo, Jabriil Ibraahim iyo Musharixiin kale oo aan Weli Isdiiwaan galinin Maxay tahay Sababta??

no responses
Saturday January 28, 2017 - 11:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Maalinta beri ay ku egtahay Mudada Isdiiwaan galinta Musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay sheegeen in ilaa iyo Hadda ay isdiiwaan galiyeen Ilaa 8 Musharax oo u taagan Xilka Madaxweynaha.

Musharixiinta Isdiiwaan galisay ayaa dhamaantood waxaa la siiyay Shahaado cadeyneysa Musharaxnimadooda una ogolaaneysa in Musharaxaasi uu u tartami karo xilka Madaxweynaha Soomaliya.

Horay waxaa Isku diiwana galisay ilaa 4 Musharax oo kala ah Shiikh shariif, Cumar C/Rashiid,C/qaadir Cosoble, iyo Musharax kale oo lagu Magacaabo Maxamuud Maxamed Culusow.

Musharixiinta u dambeysa ee Hada isdiiwaan galiyay ayaa iyagana waxa ay gaarayan ilaa 4Musharax oo kala ah Maxamuud Axmad Nuur Tarsan, Bashiir Raage shiiraar ,Maxamad Cali Nuur Ameerika iyo Musharax Dr Cabdi Naasir Maxamed Cabdulle.

Wadarta guud musharixiinta ilaa iyo hada isdiiwaan galisay waa 8 Musharax waxaana harsan Musharixiin badan oo horay usoo bandhigay Ol-olahooda Doorashada Waloow qaarkood ay ka tanasuleen ka hir inta aysan isdiiwaan galin .

Mudada diiwaan galinta Musharixiinta Madaxweynaha waxa ay ku egtahay 29-1-2017 oo ku beegan Maalinta Beri oo Axad ah waxaana laga yaaba in waqtiga uu ku dhaco Musharixiin badan oo aan ilaa iyo hada Isdiiwaan galin.

Musharaxiinta ugu Saameynta baan ee aan weli Isdiiwaan galin waxaa kamid ah”  Musharax Farmaajo iyo Musharax Jabriil Musharax Xasan shiikh Musharax C/raxmaan C/shakuur Musharax Faroole iyo Xubno kaloo aad u badan ayaa kamid ah Musharixiinta aan weli Isdiiwan galin waxaana laga yaaba in Maanta Ama beri uu isdiiwaan galiyo.