Animation

Xasan Sheikh Maxamuud oo amar  deg deg ah siiyay laamaha amaanka.

no responses
Sunday November 8, 2015 - 8:50 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay dilkii loo geystay xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo kooxo hubeysan shalay ku dhaawaceen magaalada Muqdisho, balse markii dambe u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay beegsiga xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka tacsiiyay geerida xildhibaanada Gurxan.

Madaxweynaha dowlada ayaa ku amray laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya iney soo qabteen dadkii ka dambeeyay dilkii xildhibaan Gurxan, lana horkeeno cadaalada.

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta ummadda iyo qarannimadda Soomaaliyeed, ” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle

Facebook Comments