Animation

Xasan Sheikh:- Inta shakiga iyo cabsida qabta dadkooda dhinac haka racaan.. Jawab ku socota Mucaradka.

no responses
Saturday September 10, 2016 - 12:46 under Breaking News by admin
mqdefault

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka hadlay arrimo ku aadan amniga, laakiinse muhiimadda shirka jaraa’id ayaa sidaasi ka duwaneyd.

Haddii aad dib u dhageysato hadalladii uu jeediyey Xasan Sheekh waxaa kaaga baxaya jawaab dherbaaxsho ah oo uu u diray Isbahaysiga Xisbiyada oo shalay weerar aan loo soo kala harin ku qaaday Xasan Sheekh.

Hadaba Xasan ayaa si qabow ku karbaashay mas’uuliyiintaasi oo iyagu mar walbo eedeeyay madaxweynaha.

Madaxweynaha oo aan is muujineyn ayaa si kooban ku yiri “inta shakiga iyo cabsida qabto waxaan leenahay soo raaca dadkiina iyo dowladdiina”

Waxa uu kala jeedaa inta cabsida qabta siyaasiyiinta maalmahan dambe madaxweynaha ka eedeeya warbaahinta.

Hadaba waa jawaab kooban oo ku filnaatay Isbahaysiga Xisbiyada oo dagaalkii ugu adkaa kula jira Xasan Sheekh.