Animation

Xasaasi: Xabad joojintii Galkacyo oo ku sigatay in ay Bur burto kadib Iska Hor imaad ka dhacay Suuqa Galkacyo

no responses
Monday November 28, 2016 - 10:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan Is rasaaseyn kooban oo saakay ka dhacday Suuqa Magaalada Galkacyo ee Gobolka mudug.

Is rasaaseynta ayaa la sheegay in ay dhexmartay maleehsiyo ka akala tirsan Puntland iyo Galmudug iyadoona aan la ogeyn sababta ka dambeysa is rasaaseynta Maadama Xabad joojin horay loo wada saxiixday.

Guddiga Xabad joojinta ee labada dhinac ayaa dadaal u galay sidii loo xakameyn lahaa dagaal dib uga qarxa magaalada Gaalkacyo, waxayna wada yeesheen kulamo ka dhacay gudaha Suuqa oo ay ku doonayeen in la baajiyo dagaal ka dhaca gudaha magaalada.

Xaalada Suuqa Galkacyo ayaa hada dagan waxaana dib u bilowday Ganacsiga Suuqa.