Somali News

Xasaasi: Waxbadan ka Ogow Sababta Maanta uusan u shaqeyneynin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Shirkadaha Duulimaadka ee Isticmaala Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa Saaka Sameeyay Shaqo joojin,kadib markii ay sheegeen in lagu soo rogay Lacag aysan bixin karin.

Shirkadaha Diyaaradaha ayaa la sheegay inay ka hor-yimaadeen amarkan, iyagoo sheegay in markii hore ay dhib ku qabeen amar horay ugu soo baxay Wasaaradda Maaliyadda oo ahaa in rakaab walba ee ka dhoofaya garoonka laga qaado lacag dhan $20 (Labaatan dollar) oo canshuur ah, waxaana lagu daray $10 dollar.

Qaar kamid ah Shaqaalaha Shirkadaha Duulimaadka ee Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in aysan jirin Saaka wax Duulimaad ah oo ka baxay Garoonka islamarkaana Maamuleyaasha Shirkadaha Duulimaadka ay Go’aan ku gaareen in Shaqo joojin ay sameeyaan.

Sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya gudaha ay iyana shaqo joojintan qeyb ka yihiin, kaddib markii iyana lagu soo rogay lacago dheeraad ah, oo ah in rakaabka ka dhoofaya garoonka laga qaado lacag dhan $20 (Toban dollar), halka markii hore laga qaadi jiray $10 (toban dollar).

Waxaa kaloo jirtay in shirkad gaar ah ay la wareegtay adeegii Viisaha (Sticker) oo ay bixineysay Waaxda Socdaalka, waxaana shirkadan lacag dhan $60 ka qaadaa dadka heysta baasaboorada ajnabiga ah ee loogu dhifto viisaha dal ku galka ah, waxaana horay looga qaadi jiray dadka baasaboorada ajnabiga wata lacag dhan $50 oo la mid ah kuwa lagu qaado Garoomada caalamiga ee Adduunka ku yaalla, hase ahaatee shirkadan oo lagu magacaabo IST oo ay leeyihiin shaqsiyaad dowladda ka tirsan ayaa macaash ka helaya qiimaha ay ku kordhiyeen warqada Sticker ama Viisaha dal ku galka ah ee lagu dhifto Baasaboorka.

Duulimaadka Caalamiga ah ayaa la sheegay in horay Calaa diyaarad looga qaadi jiray Lacag dhan 20$ Dollar (Labaatan Dollar)balse hadda lagu amray in ay bixiyaan 30 $ (Sodon Dollar)

Sidoo kale Duulimaadka Local-ka ah ama Duulimaadka Gobolada Dalka aada ayaa horay la sheegay in looga qaadi jiray Lacag dhan 10$ Balse hadda laga dhigay 20$ Dolar(Labaatan Dollar)

 

Related posts

Daawo Wasiir Aw-libaax oo Xaflad so dhaweynta ah u qabtay Xulka Jubbaland lacag na gudonsiyay

admin

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea oo Muddo 10 Sanno Colaad ah Kadib is hor fadhiistay

admin

Ku Simaha RW-ha oo ka haldey dilaalkii ugu danbeyey ee Muqdisho shalay ka dhacay.

admin