Animation

Xasaasi: Waxbadan ka Ogoow Socdaalka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele uu Goordhaw ku tagay Magaalada Beledweyne…

no responses
Thursday October 20, 2016 - 2:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Maamulka Hirsahbeele Cali C/llahi Cosoble iyo Wafdi uu Horkacaayo ayaa Maanta waxa ay gaareen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Markii ay Gaareen Wafdigaan Garoonka diyaaradaha waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan Saraakiil ka tirsan Amisom iyo Masuuliyiin kale.

Inta uu ku suganyahay Magaalada Beledweyne Madaxweynaha Hirshabeele in kulamo uu la qaadan doono Waxgaradka Gobolka iyo Bulshada Rayidka .

Maalinta Sabtida ayaa lagu wadaa in Jowhar lagu qabto Munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeele iyadoona Dadaal xoogan lagu bixinaayo sidii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu kaga soo qeyb gali lahaa Munaasabadda Caleema saarka.