Animation

Xasaasi: Wasiirka Amniga oo Daaha ka qaaday Hadal dhawaan ay Saxaafada ka Qortay oo ku aadana in uu Yahay Musharax u taagan qabashada xilka…..

no responses
Sunday September 18, 2016 - 7:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Amniga Gudaha dawladda Federal-ka ee Soomaaliya, C/risaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in uusan ahayn musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweyne ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka ayaa u xaqiijiyey Wakaaladda Wararka SONNA in sidoo kale aysan waxba ka jirin warar dhawaan ay daabaceen warbaahinta gudaha qaarkeed.

“ Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, Musharax u taagan in uu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe-na ma ahi, mana danaynayo hadda, wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog bay qoreen”,

Hadalka Wasiirka Amniga ayaa imaanayo xili maalmihii la soo dhaafay ay warbaahinta qaar iyo baraha bulshadaba ay qorayeen warar sheegay in Wasiirka uu xilka wasiirnimo iska casilayo, uuna doonayo in uu isu sharaxo madaxweynenimada maamulka aan weli la dhisin ee ay yeelanayaan gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.