Animation

Xasaasi: Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo Maanta ay Xabsiga Dhigeen Ciidamada Nabad Sugida Kadib Markii uu Weerar ku qaaday Xarunta ay….

2 responses
Monday November 14, 2016 - 6:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado Maanta Waxaa lagu Xiray Wasiir ka Tirsan Maamulka Galmudug.

Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ayaa Maanta Xabsiga dhigay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Galmudug Maxamed Maxamuud Guure iyo Saddex Qof oo la sheegay in ay la Shaqeynayeen.

Wasiirka oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud Guure ayaa kasoo jeeda Beesha Murursade waxa uu u tartamayaa Kuraasta Beesha ee Xildhibaanada Cusub.

Guure ayaa Xabsiga la dhigay kadib markii ciidan uu soo abaabulay ay weerareen xaruunta Doorashada ka socoto.

Warar Hoose oo K24 ay heleyso ayaa waxa ay sheegayan in Wasiirka uu doonayay in uu Wato oo Goobta Doorashada uu ka kaxeysato Nabad-doon ay Isku Beel yihiin wuxuuna doonayay sida la sheegay in Nabad-doonka uu Saxiixo Wasiirka in uu ka Mid Noqdo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Galmudug.

Wasiirka ayaa la sheegaya in Ilaa iyo Cawada uu Cabsiga ku jiro Kadib markii maanta ay Xabsiga dhigeenn Ciidanka Nabad Sugida Galmudug.

Ilaa hada maamulka Galmudug faafaahin kama bixin waxa keenay xariga wasiirka iyo Wararka sheegaya in Wasiirka uu weerar ku qaaday Xarun ay ka socotau Doorashada Aqalka Hoose.