Animation

Xasaasi: Warar dheeraad ah oo laga helaayo Nabad-doon Caan ah oo Lagu Dilay Dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo+Magaciisa

no responses
Thursday October 6, 2016 - 11:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Allaha u naxariistee waxaa Xalay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo lagu dilay Nabaddoon Caan ka ah Magaaladaas iyo Gobolka Gedo intaba.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahin Qorax,waxaana la Toogtay mar uu ka soo baxay Masaajid ku yaalla Magaalada Salaadii Cishe ee Xalay.

Guddoomiyaha Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Labo Wiil oo Bastoolado wata ay Dileen Nabaddoon Qorax Xilli uu ka soo baxay Masaajid u dhaw Gurigiisa.

Guddoomiyaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Dilka Allaha u Naxariistee Nabaddoon Ibraahin Qorax ku Eedeeyay in ay ka dambeeyaan  Al-shabaab.