Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

XASAASI: Turkey-ga Oo Xaalad Deg-deg Ah La Galiyey, Iyadoona……………..

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saddex bilood oo xaalad deg deg ah ku soo rogay dalkaasi kaddib inqilaabkii milatari ee fashilmay usbuucii la soo dhaafay.

Erdogan ayaa sheegay in tallaabadani ay u ogolaaneyso mas’uuliyiinta dalkaasi in ay tallaabooyin deg deg ah ka qaadaan shakhsiyaadka mas’uulka ka ahaa inqilaabkaasi.

Isaga oo khudbad ka jeedinaya taleefishinka kaddib markii uu la kulmay la taliyeyaashiisa milatari ayaa madaxweyne Erdogan waxa uu ballan qaaday in uu la tacaalo halista soo wajahday dimuquraadiyadda waddankaasi isla markaana uu ilaalin doono xorriyadda shacabka dalkiisa.

Dhanka kale waxa uu u mahadceliyay shacabka dalkaasi oo ka hortagay inqilaabkaasi, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay mid taariikhi ah oo dalkaasi soo martay.

Turkiga ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay sagaashan iyo sagaal jeneraalo oo lala xiriirinayo qaybtii ay ku lahaayeen afgambigii guuldaraystay ee milatariga.

Waxaa shaqada laga qaaday qaarna la xiray tobanaan kun oo askar, garsoorayaal, qareeno iyo macalimiin laga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Fethulah Gulen.

Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka ayaa dowladda ku eedeynaysaa inuu soo abaabulay afgambiga, laakiin wuu beeniyay inuu ku lug lahaa.

Related posts

FaahFaahinta Dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo Dawladda oo Ka Socda G/Hiiraan

Ahmed sudani

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay Dagmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Yaase lala eegtay Qaraxa????

Tifaftiraha K24

RW Sharmaake : “Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Madasha waxay ahaayeen kuwo loo dhamaa”.

admin