Animation

Xasaasi: Tarsan oo Banaanka soo Dhigay Fadeexo Culus uu ku dhaqaaqay Xasan Shiikh… Tollow Maxay tahay???

one response
Saturday November 19, 2016 - 7:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahnan Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay Qoraal uu kaga Cabanaayo in loo diiday Kamid Noqoshada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Tarsan ayaa sheegay in Ugaaska Beeshiisa uu si Cad ugu diiday in uu kamid Noqdo Musharixiinta u Tartameysa Aqalka Hoose ee Beeshiisa wuxuuna sheegay in Ugaaska Beeshiisa uu Lacag Fooqal Caqli aan aheyn uu ka Helay Xasan Shiikh oo doonaya in Tarsan uusan kasoo Muuqaan Aqalka Hoose.

“Waxaa la ii diiday inaan u tartamo kursiga Xildhibaannimo si fudud ah, kaddib markii Ugaaska Beesheyda uu lacag fiican ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh”ayuu yiri Tarsan.

tarsan-qeylo

Tarsan wuxuu Kamid Yahay Siyaasiyiinta Dagaalka uu kala dhaxeeyo Xasan Shiikh wuxuuna Tarsan Markasto Runta ka sheegay Saxaafada Isagoona Madaxweynaha ku Eedeyo in Musuq Maasuq uu Dalkaan u Horseeday Dowladiisana ay Fashilantay.

Balse Sheekada Hada dhacday ayaa waxa ay u Muuqata in Xasan Shiikh uu sii Laba Jibaaraayo Caburinta uu ku haayo Musharrxiinta Isagoona si Cad u Isticmaalaya Awooda Madaxtooyada Soomaliya weliba Isagoo aan hada aheyn Madaxweyne Sharci ku jooga Maadama Waqtigiisa uu Mar hore dhamaaday.